Sababta Dawladda Kenya Uga Baxday Dacwadda Badda Ee Ka Dhaxaysay Dawladda Soomaaliya

Hague (Aftahannews) – Dawladda Kenya,  ayaa sheegtay in ay ka baxday dacwadda badda ee ka dhaxaysa Dawladda Soomaaliya, sababo la xidhiidha faafidda Xanuunka Covid_19.

Kenya waxay sheegtay in Xanuunka Covid_19 oo ku sababay inay xoogayn waydo Awooddeeda u diyaar-garowga iyo difaacidda Dacwadda Badda oo saddex Maalmood ka dib ka bilaabmaysa Maxkamadda Adduunka ee ICJ oo ku taalla Magaalada The Hague ee dalka Holland.

Kenya  waxay sidoo kale sheegtay in ay ka walaacsan tahay ka qayb-galka kiiska badda ee garsooraha Soomaaliga ah ee Cabdiqawi Yuusuf ee  hore u ahaa Madaxweynihii ICJ, balse hadda ka mid ah Garsooreyaasha Maxkamadda ICJ.

Xeer ilaaliyaha guud kenya Kihara Kariuki, yaa u diray Maxkamadda caddaalada Adduunka warqad ku taariikhaysan 11-kii bishan March, 2021, taasi oo ku saabsan in Kenya ay ka laabaneyso dacwadda, kadib markii loo diiday codsigeedii ahaa in dib loogu dhigo dhegaysiga Dacwadda.

Dawladda Kenya ayaa ku doodaysa in aanay haysan diyaar garow ku filan, sababo la xidhiidha in masiibada Covid_19 ay ka xayuubisay ilihii dhaqaalaha si ay u maal-geliso awooddeeda kiiska badda.

Isku dayo Kenya ay ku doonaysay in kiiska dib loo dhigo ayaa fashilmay, ka dib markii maxkamadda caalamiga ay xukuntay in kiiska aan mar kale dib loo dhigidooni.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office