Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

QARAX KA DHAcAY MUQDISHO
QARAX KA DHAcAY MUQDISHO

Muqdisho (Aftahannews)- Qarax loo adeegsaday miino ayaa goor dhaw ka dhacay waddada Afsiyooni ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa ayaa lagu waramayaa in lala eegtay gaadhi uu la socday saraal ka tirsan Militariga Soomaaliya oo la sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaadhay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaa oo xidhay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxyada noocan ah ayaa toddobadyadii ugu danbeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho kuwaa oo lala eeganayay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.