UCID oo Rejaynaya inuu Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI kaga Guulaysto Doorashooyinka soo socda

Hargeysa (Aftahannews) – Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku halkay marayso, gaar ahaan Doorashooyinka isku sidkan ee foodda inagu haya, rejada ay Xisbi ahaan qabaan, waxaanu ku taliyey in mar walba cadaaladda iyo garsoorka Xisbiyada lagu dedaalo.

Prof. Cali Saleebaan Maxamuud oo ka mid ah Madaxda iyo Masuuliyiinta Xisbiga UCID, ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Doorashooyin baa inoo dhacaya, Doorashooyinkana waa laba Doorasho oo isku sidkan oo mar wada dhacaya, culayskeeda iyo hawsheeda ayey leedahay, waana Doorashooyin ka sal balaadhan Doorashooyinkii hore, maadaama Musharraxiin aad u tiro badan oo ka kala sharaxan Saddexda Xisbi Qaran, una sharaxan Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ay tartan galayaan, markaas in loo caddaalad sameeyo, oo si cadaaladda loogu xaqsooro ayaan ku baaqayaa, waxaana Komishanka leeyahay mar walba cadaaladda ku dedaalla oo xaqsoorka ku dedaala, oo mar kasta dhex u ahaada Xisbiyada iyo Musharixiinta tartamaya”.

Mar uu ka hadlayey rejada Xisbigiisa ayu yidhi “Xisbi UCID ahaan rejo fiican baanu qabnaa, waxaana ku rejo weyn nahay in aanu insha allaah labada Xisbi ee nala tartamaya aanu ka guulaysanayno, aniguna waxaan ka sharaxan nahay Gobolka Togdheer, waxaana u sharaxan nahay Golaha Wakiilada, rejo aad u fiicana waan qabaa”.

Dhinaca kale, wuxuu si gaar ah ugu mahadnaqay Guddida Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaanu tilmaamay inay masuuliyad aad u fiican iska saareen waajibaadka ay qaranka u hayaan, gaar ahaan daba-galka iyo hubinta shahaadooyinka musharixiinta hanka leh ee doonaya inay tartamaan.

Dhanka kale, Prof:Cali Saleebaan Maxamuud ayaa dhanka kale wuxuu ku baaqay in aad looga taxadiro wax kasta oo nabadgalyada daro abuuraya, wuxuu ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo dulmi iyo xaqdaro keenaya, wuxuu kale oo uu ku taliyey in wax la taro dadka ay abaaruhu samaaynta xoogan ku yeesheen.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.