Golaha Amaanka oo ka digay dib u dhac danbe oo ku yimaada doorashada Soomaaliya

Golaha Qaramada Midoobay
Golaha Qaramada Midoobay

Muqdisho (Aftahannews) – Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya ilaa bisha December.

Qoraalka oo ka kooban 13-bog oo ay soo diyaarisay Britain ayaa waxaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay 15-ka xubnood ee Golaha, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale dalbaday dhinacyada Soomaaliya inay xal ka gaadhaan khilaafka, sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorasho.

Golaha Qaramada Midoobay
Golaha Qaramada Midoobay

Qaraarka  Golaha Amaanka uu isku raacay ayaa imanaya xili lagu waddo in magaalada Muqdisho uu ka dhaco shir ay yeelanayaan madaxda dowladda, dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir kaasoo looga wada hadlayo arrimaha doorashada.

Balse dhinaca kale marka la eego waxaa wali jira caqabado waaweyn oo shirkan ku hareereysan, gaar ahaan marka la eego sida maamulada Puntland iyo Jubbaland ku aqbali karaan hannaanka ay madaxtooaydu u maamuleyso doorashada oo marar badan lagu kala tagay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.