Tallaalkii COVID-19 ee loogu talo-galay Soomaaliya oo la geeyey Kenya

Tallaalka Covid-19

Muqdisho (Aftahannews)- Tallaalkii Covid-19 ee loogu deeqay Soomaaliya oo kamid aheyd dalalka ka faa’iideystay mashruuca COVAX oo ay hirgelisay Hay’adda caafimaadka Adduunka (WHO) oo kaashaneysa isbaaheysiyo dhowr ah ayaa waxa laga dejiyay dalka Kenya.

Xogta ayaa sheegaysa in tallaalkaas oo ah nooca Covaxin oo lagu sameeyay dalka India laga dejiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo 3-dii March laga soo qaaday dalka India si loo keeno Soomaaliya.

Sii-hayaha wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo idaacada VOA-da ay wax ka weydiisay ayaa sheegtay in talaalkaas loo geeyay dalka Kenya arrimo dhanka farsamada ama socdaalka, maadama ay ku dooday inay maamulayaan Hay’adaha UNICEF iyo WHO ee Qaramada oo xarumahooda waaweyn ku yaalan caasimada Kenya.

Tallaalka Covid-19
Tallaalka Covid-19

“Tallaalka waxa uu yimid oo uu Trasnit ku yahay dalka Kenya, waxaa filayaa in Khamiis ilaa Sabti uu soo galo dalka. Waxaa ka shaqeynayaaye soo dejinta UNICEF iyo WHO oo wuxuu ka yimid India waxa uu hakad ku yahay Kenya, logistics-ka dhinacaas ayay ka imaanaysa oo hay’addaha waxay xafiisyada logistics-ka ku leeyihiin Kenya,” ayay tidhi Fowziya Abuukar.

Wasiirada oo la weydiiyay sababta kaliftay in tallaalka uu ku hakado Kenya iyada oo xiisad kala dhaxeyso ayay ku jawaabtay “Caafimaadka siyaasada ma galo oo waxa ka shaqeya UNICEF iyo WHO, weyna imaaneysa (Goojada tallaalka)”.

Soomaaliya ayaa waxaa loogu deeqay saddex kun oo Goojo, taasi oo noqoneysa qeybtii ugu horeysay ee tallaalka ay sugeyso Soomaaliya oo lagu sheegay 1 Milyan iyo 200-kun, waxa uuna ka degay afar maalin ka hor magaalada Nairobi.

Wasiirka arrimaha dibedda India Subrahmanyam Jaishankar ayaa horaantii bishan March shaaciyey in India laga qaaday tallaalkii Soomaaliya, islamarkaana uu kusii jeedo caasimada Soomaaliya, hase yeeshe waxa 6-dii March laga dejiyay Nairobi.

Tallaalka India oo ay sameysay shirkadda Bharat Biotech ayaa lagu magacaabaa Covaxin, wuxuuna wax ku ool yahay 81%. Marka loo barbar dhigo, tallaalka AstraZeneca ee UK waa 62%, halka tallaalada Mareykanka ee Pfizer iyo Moderna ay kala yihiin 94% iyo 95%.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu markale si weyn ugu soo labo kacleeyay dalka, gaar ahaan Soomaaliya oo toddobaadyadii u dambeeyay laga diiwaan-geliyay kiisaskii u badna, mana jirto tallaabo adag oo laga qaaday faafitaanka cudurka.

Tallaalka la filayo inuu soo gaadho Soomaaliya ee xiligan yaala Kenya ayaa waxa la ogeyn qaabka loo qeybin doono, inkasta oo ay wasiirka caafimaadka Soomaaliya sheegtay in wajiga koowaad lagu bilaabi doono shaqaalaha caafimaadka oo iyagu la tacaalaya bukaanada uu soo rito cudurkan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.