Amnesty International oo Walaac ka muujisay Xaaladda Xorriyadda ee Wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland

Garoowe (Aftahannews)- Hay’adda Arrimaha xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheeggtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda xorriyadda ee Wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland.

Waxaanay masuulyiinta Maamulka Puntland ugu baaqay inay siidaayaan Wariye Aadan Faarax Kilwe oo xabsi ku yaala Puntland ku xidhan inka badan todobaatan maalmood.

Hay’adda Amnestay ayaa sidoo kale madaxda Puntland ugu baaqday inay ilaaliyaan xorriyadda qowlka iyo in bahda warbaahinta ay si madax banaan u gutaan hawl maalmeedkooda.

Hadaba sarkaal ka tirsan hay’adda Amnesty ee xafiiska Bariga Africa ayaa walaacaasi ka warramay.

Hoos ka dhagayso faah-faahinta warka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.