Biden oo sheegay in bartamaha sanadkan Mareykanku ka Xoroobayo Covid-19

Washington (Aftahannews) – Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka uu saameynta ba’an ku hayo cudurka saf marka ah ee Covid 19, hasse ahaatee madaxweyne Joe Biden ayaa hadda u muuqda mid kalsooni buuxda ku qaba in cudurkan laga sifeyn karo guud ahaan dalkaasi Mareykanka ilaa bisha July ee bartamaha sanadkan.

Wuxuu sheegay in dalkiisu uu heli doono tallaal ku filan oo ay qaadan doonaan guud ahaan dadka dalkaasi ku dhaqan, ilaa dabayaaqada bisha May.

Wuxuu sheegay in qof walba oo Mareykan ah lagu amri doono in uu qaato tallaalka, sidaa daraadeed guud ahaan gobollada dalkaasina laga doonayo in ay arinkaa u diyaargaroobaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.