Khilaaf Dhul oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Laascaanood

Magaalada Laascaanood

Laascaanood (Aftahannews) – Khilaaf dhinca Dhulka ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Khilaafkan ayaa sababay Dhimasha Hal Ruux iyo Dhaawaca Laba Qof, kadib markii Maleeshiyaad hubaysan uu dagaal ku dhexmaray dhul ku yaala duleedka waqooyi ee magaalada Laasaanood.

Magaalada Laascaanood
Magaalada Laascaanood

Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in la qabtay dadkii denbiilayaasha ahaa in sharciga la hirkeenayaan.

Khilaafka dhacdadan sababay ayuu sheegay gudoomiyuhu in uu sababay dhul, waxaan ku dheeraaday dhibaatooyinka dhulku haatan ku hayo magaalada in si degdeg ahna talaabo looga qaadayo.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay joojiyeen arimaha dhulka mudo sadex bilood oo ah inta ay socoto doorashadu.

Dhacdadan ayaa saamayn ku yeelatay bulshada, waxaana la hadal hayaa Wiil iyo Aabihii oo midna dhintay midna dhaawacmay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.