Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo lagu wado in Berito la keeno Magaalada Muqdisho

Cali Mahdi
Cali Mahdi

Muqdisho (Aftahannews) – Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno laguna aaso meydka alle ha u naxariisteen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Guddi ay dowladda Soomaaliya u saartay qabanqaabada aaska oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay habmaamuuska aaska marxuumka, waxaana markii uu kulanka guddiga soo dhamaaday la hadlay Warbaahinta Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish.

Cali Mahdi
Cali Mahdi

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in shaqada guddiga ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee  aaska qaran ee loo sameynayo madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Guddiga loo saaray Aska madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.