Dawladda Imaaraadka Oo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Siisay “Golden VISA”

Dubai (Aftahannews) – Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi oo ah Guddoomiyaha shirkadda MSG siisay dal ku galka dahabka ah ee UAE ee loo yaqaano “Golden VISA”.

Maxamed Aw Siciid Geeddi, ayaa ka mid noqonaya dadka Afrikaanka ah ee ugu horeeya ee ay dawladda UAE siiso “Golden VISA”.

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa dal-ku-galkan siisa ganacsatada dunida ee maalgashiga ku sameeya dalka Imaaraadka si ay Visa la’aan ugu noolaadaan ugana shaqaystaan dalka UAE.

Saraakiil ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa toddobaadkan guddoonsiiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid “Golden VISA”, waxaanu ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ka dareen celiyay dal-ku-galkan la siiyay uu dawladda UAE uga mahadceliyay hedyadda qaaliga ah ee ay guddoonsiiyeen, isagoo sheegay inuu dalka UAE ka faa’iiday khibrad uu ku horumariyay ganacsigiisa.

Wargeysyada ugu caansan dalka UAE ayaa khamiistan maanta warbixino kala duwan ka qoray dal-ku-galka la siiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo weliba ganacsigiisa, waxaanay sheegeen inuu Maxamed Aw Siciid ganacsigiisa ka soo bilaabay meel hoose, isagoo hadda gaadhsiiyay inuu noqdo ganacsiyada Afrika ugu caansan ee aflaxay.

Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, ayaa ah ganacsade maalgashiyo kala duwan ku sameeyay dalal badan oo dunida ah oo ay Somaliland ku jirto oo uu geliyay lacag aad u badan oo uu ku keenay adeegga VIber OPTIC ee Internetka.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office