Warbaahinta Dunida Qaarkood Oo Qaadaa-dhigay Hadal Ku Jiray Khudbad-sanadeedkii Madaxweyne Biixi Ee 2021-ka

Hargeysa (Aftahannews) – Warbaahinta dunida qaarkood, ayaa wax ka qoray isla-markaana si gaar ah u soo qaatay hadal ku jiray Khudbad-sanadeedkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Toddobaadkan u jeediyey labada Gole ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha oo khudbad dheer u jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada), ayaa waxa ku jiray Farriin uu ku canaantay Qaramada Midoobay, isagoo ku eedeeyay inay indhaha la lalisay Dawladnimada Somaliland iyo waxa Shacabka Somaliland gacmahooda ku samaysteen.

Warbaahinta kala ah Menafn.com, Taiwan Times iyo busiweek, ayaa siyaalo kala duwan u soo qaatay qaybo ka mid ah khudbaddii Madaxweynaha Somaliland u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka, waxayna si gaar ah isku dul taageen khudbadda inta khusaysey Qaramada Midoobay iyo siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo Madaxweynuhu sheegay in sannadkii tagay ee 2020 wax badan ka hirgaleen, isagoo Tusaale u soo qaatay kulan uu Magaalada Nairobi kula yeeshay dhiggiisa Kenya Uhurru Kenyatta.

Warbaahinta Menafn ayaa War-bixinta ka samaysay hadalka Madaxweynaha Ciwaan uga dhigtay “Madaxweyne Biixi oo Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid aan Ixtiraamayn Qawaaniinta u gaarka ah (Somaliland)..”, waxayna Warbaahintaasi oo faallaynaysaa sheegtay in hadalka Madaxweyne Muuse Biixi muujinayo sida Somaliland ugu baahan tahay Aqoonsi, maaddaama oo horumarka dalku ku xidhan yahay xidhiidhka marka la aqoonsan yahay uu la yeelanayo Dalalka kale ee Caalamka.

Warbaahinta busiweek, ayaa iyaduna si gaar ah u soo qaadatay hadalka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kaga hadlay siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in kulankii uu Nairobi kula yeeshay Nairobi uu rejo cusub u abuuray Somaliland.

Warbaahinta busiweek waxay sheegtay in Somaliland hirgelisay Nabadgalyo, doorasho cod iyo Qof ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office

Xigasho: Geeska.net