Somaliland: Komishanka oo Kala diray Shaqaalaha iyo Gaadiidka Wacyigelinta Qaadashada Kaadhka Codaynta

Filed under: Daba-galka Xogaha Qarsoon |

Somaliland (aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta oo Salaasa ah Kala Diray Hawl-wadeennada iyo Gaadiidka Ka Shaqaynaya Wacyigelinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta ee Gobollada Sanaag, Saaxil iyo Sool.

Hawsha Bixinta kaadhadhka codbixiyeyaasha ayaa loo muddeeyey inay maalinta Khamiista  oo ku beegan 11-ka March ka bilaabanto saddexda gobol ee Sanaag, Sool iyo Saaxil halka gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal ka bilaabmi doonto marka la soo gebo-gabeeyo hawsha qaybinta Kaadhadhka saddexda gobol ee hore.

Haddaba, warkan oo faahfaahsan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland. 

You must be logged in to post a comment Login