Weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday xerada Xalane

ararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar la tuhunsan yahay in loo adeegsaday hoobiyaal lagu qaaday xerada Xalane ee qayb ka ah xayndaabka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka garoonka ku sugan ayaa VOA u sheegay in 5 ilaa 6 madfac inay kusoo dhaceen Xalane.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Ma aha markii ugu horraysay ee hoobiyayaal lagu weeraro garoonka xerada Xalane, waxaana weeraradii horey loogu qaaday badankood sheegtay kooxda Al-Shabaab.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.