Komiishanka Doorashooyinka oo daahfuray Qaadashada Kaadhka Codbixiyeyaasha Gobollada Saaxil, Sool iyo Sanaag

Hargeysa (Aftahannews)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qaadashada Kaadhadhka Codbixinta muwaadiniinta ku kala dhaqan gobollada Saaxil, Sanaag iyo Sool oo maalinta Khamiista ee toddobaadkan ka bilaabmi doonta degmooyinka gobolladaas.

Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxa ay Isniinta maanta munaasibado tallan-taali ah oo lagu shaacinayey bilowga kaadh-qaadashada ku qabteen magaalooyinka Berbera, Ceerigaabo iyo Laascaanood, waxaana goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka, hawl-wadeennada komsihanka, masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Qaybaha bulshada ee saddexda gobol.

Hawsha kaadh-qaadashada ayaa la filayaa inay saddexda gobol ee Sanaag, Saaxil iyo Sool ka bilaabmato 11-ka bisha March oo ku beegan maalinta Khamiista ee toddobaadkan, waxaana la siin doonaa muwaadiniintii aan hore isu-diiwaangelin ama kaadhadhku ka lumeen ee guddiga Doorashooyinka fursadda u siiyeen Diiwaangelinta oo dalka ka qabsoontay intii u dhaxaysay bishii November 2020-kii ilaa bishii January 2021-ka.

Sidoo kale, Hawsha Bixinta Kaadhadhka codbixinta muwaadiniintii hore isu diiwaangeliyey, ayaa bilaabmi doonta gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal kaddib marka la soo gebo-gabeeyo hawsha Kaadh-bixinta saddexda  gobol ee Sanaag, Saaxil iyo Sool.Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinku waxa ay maanta shaaciyeen natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland, iyagoo soo bandhigay tirada guud ee dadka la diiwaangeliyey, tirada ansaxday iyo tirada dadka laba jeer is-diiwaangeliyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.