Sheekh Umal oo fariin u diray Deni iyo Axmed Madoobe

Sheekh Maxamed Cabdi Umal
Sheekh Maxamed Cabdi Umal

Nairobi (Aftahannews)- Sheekh Maxamed Cabda Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ugu caansan ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo dhiggisa Jubaland Axmed Madoobe ugu baaqay inay ka qeybgalaan shirka arrimaha doroashada Soomaaliya oo ayna shuruud ku xidhin.

“Masaaliixda umadda u tanaasula. Shuruudaha meel iska dhiga. Miiska imaada oo in la wada tashada oggolaada. masaaliixda caamka ah ka shaqeeya”.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal
Sheekh Maxamed Cabdi Umal

Sh umal ayaa sheegay in Deni iyo Axmed Moodoobe ay “muuqato qaabkaad u dhaqmeysaan aad qeyb ka tihiin mushkiladda dalka ka jirto”.

“Waxaad shuruudo badan hor dhigteen wadahadalkii, umadda wixii u suuroobi lahaydna aad hor istaagtaan sax ma ahan”, ayuu yidhi Sh Umal.

Todobaadkii hore ayuu sheekhu farriin tan la mid ah u diray madaxda mucaaradka iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan maslaxadda caamka ah oo danahooda gaar ah ay meel iska dhigaan isagoo ka digay dibadbaxyo ay suuragal tahay inuu dhiig ku daato.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.