Soomaaliya oo Hal Milyan oo Doollar ugu gurmanaysa Puntland

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa noqotay dawladdii ugu horraysay ee deeq gurmad ah ugu yaboohda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ay ka dhaceen duufaanno gaystay qasaare nafeed oo badan iyo mid hantiyeedba.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta isugu yimi  shir aan caadi ahayn kaasoo lagaga hadlayey Duufaanta ku dhufatay deegaanno balaadhan oo ku yaala Puntland taasoo dhalisay khasaare laxaad leh oo ugu yaraan la sheegay inay ku dhinteen inta la og yahay illaa hadda 300 oo qof

Duufaankan ku dhuftay  xeebaha Puntlanad ayaa bilaabatay Axadii la soo dhaafay, waxaana laga cabsi qabaa inay sii socoto ilaa barito, iyadoo waxyeelo xoogan u gaysatay dhul gaadhaya ilaa 700km oo dhanka xeebta ah, waxayna soo gaadhay deegaamo ku yaala laamiga isku xira Garoowe iyo Boosaaso.

Ra’iisul Wasaaraha saacid oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka Gollaha ayaa sheegay in uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoysaska dadkii ku dhintay Dufantaas, uguna baaqay beesha caalamka in ay gurmad deg deg ah la soo gaarto deeganada ay Duufaantu ku dhufatay.

“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii xoolahoodu ku dhamaadeen Dabaylaha iyo Roobabka wada socday ee ku dhuftay dhul balaaran oo ku yaala Puntland. Anigoo aad uga xun kuna hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan diyaar la nahay inaan dhibka la qaybsano reer Puntland, ka xukuumad ahaana waxaan qayb weyn ka qaadanaynaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Dufaantaas. 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan labo jeer xariir la sameeyey Madaxweynaha Puntland si aan wax badan uga ogaado halka ay marayso xaaladu. Damqashada naga haysa daraadeed waxaan galabta isugu nimid shir deg deg ah oo aan uga xaajoonayno sidii gurmad loogu fidin lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana sheegay in waxa meesha ka dhacay ay dowladda Soomaaliya u aqoonsantahay Masiibo Qaran, waana ka xunahay inay sii socoto.

 

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikarin Xusein Guleed oo faah-faahin ka bixinayey qaabka loo wajahayo masiibadaan ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya ay kaalin muuqata ka qaadanayso dhibaatada dabiiciga ah ee ka dhacday Puntland.

“Dufaanta waxaa ka dhashay khasaaro aad u balaaran waxayna ku dhufatay laga soo bilaabo Laasqoray ilaa Hobyo, waxaana ilaa hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen 101 qof, waxay saamayn ku yeelatay dad gaaraya 50,000, ilaa 5,000 oo ka mid ahna waxay ku go’doonsan yihiin deegaamada ay Duufaantu wax yeelaysay, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaruhu intaas ka sii bato maxaa yeelay dad badan ayaa ku go’doonsan Tuuloyin badan oo ku yaala xeebta” ayuu yiri Wasiirku

Ugu danbaynti golaha ayaa ka soo saaray baaq ku aadan beesha caalamka, iyo umadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dhibaatada ka dhalatay Dufaantas.

 

Baaqa Golaha

1. In Tacsi Tiiraanyo leh loo diro dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland oo masiibadaan ku habsatay.

2. In Golluhu ku dhawaaqay waxaa meeshaas ka dhacay in ay tahay Masiibo Qaran, taas oo macanaheedu yahay in ay waajib tahay in dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo Beesha Caalamku ay u gurmadaan dhibaatada ka dhacday meeshaas.

3. In Wafti Heer Wasiir ah loo diro Puntland si ay u soo qiimeeyaan dhibaatoyinka ka dhashay duufaantaas, loolana qaybsado dhibka soo gaaray.

4. In dowladda Fedraalka Soomaaliya ay ugu deeqday dadka dhibaatadu soo gaartay lacag gaaraysa $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), iyadoo shacabka kale ee Soomaaliyeedna loogu baaqay in ay deg deg u soo gaarsiiyaan gar-gaar kaas la mid ah.

 

5. Golluhu wuxuu isku raacay in la magacaabay gudi heer Qaran ah oo ka kooban

 Wasiirka Arrimaha Gudaha

 Wasiirka Maaliyadda

 Wasiirka Adeega Bulshada

 Wasiirka Gaashaandhiga

 Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

 Laba Xubnood oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed

 Iyo Xubin ka mid ah Bulshada Rayidka ah

Aftahannews.com

 Hargesya Somaliland