Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyey Natiijada Hordhaca ah ee Diiwaangelinta Codbixiyayasha

ASTAANTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND
ASTAANTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND

Hargeysa (Aftahannews)- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay Natiijadda Hor-dhaca ah ee Diiwaangelinta Codbixiyayasha Jamhuuriyadda Somaliland.

Natiijaddan ayaa sheegaysa Tirooyinka muwaadiniinta Is-diiwaangeliyey Sannadaha 2020 iyo 2021 iyo sidoo kale Kaadhadhka Ansaxa ah ee Codbixiyayaasha la siin doono.

Sida ay sheegeen KDQ, Xogtan ayaa si rasmi ah loogu gudbiyey Axsaabta Qaranka, Hay’adaha kale ee ay khusayso iyo Daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland.

Xogta ay shaaciyeen KDQ ayaa lagu soo bandhigay shax lagu muujiyey tirada Guud ee Kaadhadhka loo qaybiyey gobol kasta sannadkan 2021, tirada dadka is-diiwaangeliyey, tirada Ansaxa ah, tirada kaadhadhka laba jeer iyo wax ka badan la qaatay iyo tirada Kaadhadhka soo  noqday ee diiwaangelintii hore ee dalka laga qabtay sannadkii 2016-kii

Sida Shaxda ka muuqata, tirada guud ee dadka is-diiwaangeliyey dalka ayaa dhan 435,371 qof, tirada dadka laba jeer is-diiwaangeliyey ayaa ah 10,679, taas oo ka dhigan in tirada saxda ah ee dadka is-diiwaangeliyey yihiin 424,691 qof.

Waxa kale oo xogtu muujinaysaa in tirada guud ee kaadhadhka diiwaangelinta ee sannadkan 2021 dalka laga qaybiyey tahay 593,749 halka tirada kaadhadhkii ka soo noqday diiwaangelintii sannadkii 2016-dii yihiin 169,058, kuwaas oo marka la kala gooyo soo baxaya tirada kaadhadh diiwaangelinta ansaxay oo dhan 424,691 qof.

Tusaale ahaan Gobolka Awdaleis-diiwaangeliyey ee gobolka Awdal ayaa ah 54,374 qof, tirada dadka laba jeer kaadhadhka qaatay ayaa halka tirada guud kaadhadhka la bixiyey 96,564 qof. Waxa xogtu intaas ku daraysaa in

Shaxda Hoose kaga bogo Xogta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Gobollada iyo degmooyinka dalka oo KDQ la wadaagay Warbaahinta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.