Soomaaliya oo Wefdi u dirtay Maxkamadda ICJ

Wefdiga ka socda dowladda Soomaaliya
Wefdiga ka socda dowladda Soomaaliya

Dacwaddii muddada dheer la sugayey ee muranka badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa toddobaadka soo socda ka billaabanaysa magaalada Hague ee dalka Netherland.

Wefdiga ka socda dawladda Soomaaliya ayaa maanta ka amba-baxay magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda xarunta maxkamadda.

Wefdiga ka socda dowladda Soomaaliya
Wefdiga ka socda dowladda Soomaaliya

Wefdiga ka socda dowladda Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, waxana wehlinayay Wasiiro, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Diblumaasiyiin ka qaybgalaya dhageysiga  dacwadda Badda ee labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, waxaa qorshuhu yahay in qareenada u dooddaya labada dhinac ay dooda dacwadda kaga qeyb-galayaan aalada fogaan-aragga ee Zoomka sababo la xidhiidha cudurka Covid19.

Dhageysiga dacwadda ayaa billaabaneysa 15-ka March kadib markii maxkamadda ay diideen codsi ay Kenya ku dooneysa in mar kale kiiska dib loogu dhigo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.