Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle

Djibouti (Aftahannews)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo markii ugu horreysay ka jawaabay dhaleecayn uga timid dhinaca xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay, waxaa mar kale cirka isku shareeray xiisadda sii xumeyneysay xidhiidhka labada dal, kaddib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka dariska la ah ee Kenya ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gaarka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, inkastoo ay wehlinayeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle

Jabuuti ayaa xilligaas loo xil saaray in ay dadaal u sameyso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogtay ee labada dal, islamarkiina waxay Jabuuti sameysay guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baadha tabashooyinka ay Soomaaliya qabtay.

Hase ahaatee, xaaladda ayaa waji kale yeelatay kaddib markii dowladda Soomaaliya ay aad uga cadhootay natiijada guddigii Jabuuti oo muujisay in ay “inta badan waxba kama jiraan ahaayeen eedeymihii ay Soomaaliya u jeedisay Kenya.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo BBC-da wareysi siiyay ayaa markii ugu horreysay tan iyo xilligaas ka hadlay xasaradda labada wadan.

Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xidhiidhka Muqdisho iyo Nairobi

“Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xidhiidh fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yidhi isagoo si adag u hadlayay.

Waxa uu intaas ku daray in labada waddan ay daris yihiin, islamarkaana ayna sina u kala maarmin.

“Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka cadhoortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

“Tan ugu horreysa, Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yidhi ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’, waan iska diidi karnay oo waan odhan karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yidhi.

‘Shir madaxeed baa lala sugayaa’

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma ayna aqrininba runta haddii la eego, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeed baa lala sugayaa oo arrintaas lagu faaqidi doonaa ayaa ku qoran, waxa loo buunbuuniyay ee loo qeyliyay annagu ma garaneyno.”

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay cadhadii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii Jabuuti.

“Waan iska diiday inaan jawaab iyo waxba ka bixinin arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu keenayaa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yidhaahdo,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Xigasho: BBC