Somaliland: Maalinta Haweenka ee 8 March oo la Xusay

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)  – Munaasibadaas oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda shaqo-gelinta, qoyska iyo arrimaha bulshada Somailand waxa hadal ka jeediyay agaasimaha guud ee wasaaraddaas, waxaanuu sheegay in ujeedada loo xusaana ay tahay in laga warbixiyo guulaha ay gaaseen haweenka Somaliland iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ka hor iman karo haweenka in xal loo raadiyo, agaasime Cabdirashiid wuxuu intaas ku daray in arrimaha ugu waawayn ee loo baahan yahay in haweenka Somaliland ay horumar ka sameeyaan ay ka mid tahay ka qayb-galka siyaasadda iyo cidhib-tirka gudniinka iyo arrimaha kale ee lidiga ku ah horumarada ay diinta islaamku u gogshahay haweenka.

Gudoomiyaha dallada heer qaran ee haweenka Somaliland, magaceedana loo gaabiyo NOW Xaliimo Xaaji Cabdi, waxaanay bogaadisay haween waynaha Somaliland, iydoo u jeedisay talooyin ku saabsan dhanka horumarka, waxaanay intaas ku dartay in fursad ay u tahay sida xisbiyda qaranka iyo xukuumadduba ay u soo dhaweeyaan ka qayb-galkooda siyaasadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Mustafe Godane Cali Bile ayaa isna munaasibadaa loo qabtay xukska maalinta haween waynaha adduunka ka sheegay in xukuumadda Somaliland haweenka Somaliland fursado ka siisay xukuumadda iyo ka qayb-galka doorashooyinka soo socda, wasiir Mustafe wuxuu sheegay tallaabadii ay kuxuumadda Somalilad lacagtii kaga dhaaftay haweenka u taagan doorashooyinku ay tahay mid qayb ka ah dadaalada xukuumaddu ku garab istaagayso haweenka Somaliland.

Ugu dambayn Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa bogaadiyay guud ahaan haween waynaha Somaliland, munaasibada xuska maalinta haweenwaynaha aduunka ee 8 March awgeed, waxaanuu intaas raaciyay in xukuumadda ay ka go’an tahay inay sii xoojiso talaabooyinka lagu horumarinaayo guud ahaan haweenka Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.