DEG DEG: Weerar Culus oo lagu qaaday Xabsiga Magaalada Boosaaso

Xabsiga Magaalada Boosaaso
Xabsiga Magaalada Boosaaso

Boosaaso (Aftahannews)- Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya xiligan oo ay saacadu tahay saqdii dhexe oo habeenimo ah in weerar lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Dhawaaqa rasaas xoog leh iyo waliba qarax xigay ayaa laga maqlayaa inta badan xaafadaha magaalada Boosaaso.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay walwal ka qabaan xaalada ay caawa ku jirto magaalada Boosaaso.

Xabsiga Magaalada Boosaaso
Xabsiga Magaalada Boosaaso

Xabsiga weyn ee Boosaaso ayaa waxaa lagu hayaa shaqsiyaad ku kala xukuman danbiyo kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab iyo kuwa eedeesanayaal ah oo xukun sugayaal ah.

Al-shabaab ayaa hore xabsigaas u weeraray, balse weli kuma guulaysan in ay gudaha u galaan xabsiga oo ammaankiisa aad loo ilaaliyo.

Xilliga oo habeen ah ayay adag tahay in macluumaad dheeraad ah laga helo weerarkan, lamana oga cida weerarka soo qaaday iyo inta uu la’eg yahay iyo khasaaraha ka dhashay.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa…

 

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland.