Kulan hada Muqdisho uga socda Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta

Muqdisho (Aftahannews) – Kulan u dhexeeya Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Mudowga Musharixiinta ayaa hada ka biloowday Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Kulankan Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa ah kulankii sadexaad.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta

Kulanka waxaa jooga oo ka qeybgalaya inta badan xubnaha midowga Musharixiinta Soomaaliya waxaana lagaga wada hadlayaa xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya iyo dibadbaxa lagu waddo in ay maalinta Sabtida dhigtaan siyaasiyiinta mucaaradku.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u saartay Guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya dibadbaxa, sidoo kalana qoraal xalay ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu fasaxay in mucaaradku dibadbaxooda ku dhiggan karaan taalada Daljirka Dahsoon.

Kulanka marka uu soo dhamaado waxaa lagu wadaa in labada dhinac ka soo saaraan war-murtiyeed la xidhiidha wax yaabihii lagu heshiiyay.

 

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.