Somaliland: Dad u Dhintay Xannuunka Covid-19

Coronavirus
Coronavirus

Hargeysa (Aftahannews)- Afhayeenka guddida ka hortaga xanuunka Covid 19 Xuseen Adan Cige (Dayr), ayaa sheegay in 3 qof ay dagmada Ceel-afwayn ugu dhinteen Covid 19, 30 kalena ay u jiifaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in caabuqa Covid 19 uu dib u soo laba kacleeyay isla markaana ay dad u dhinteen qaar kale ay u jiifaan.

“Ceel-afwayn saddex qof baa ku dhintay, 30 qof oo kalena way u jiifaan, Sanaag na waa sidaa, gobolka Sool na dhibaatadu way ka jirtaa, Togdheer way jirtaa” ayuu yidhi afhayeen Dayr.

“Xannuun kii Covid 19 madama oo uu soo laba kacleeyay, oo xaaladaha hada lagu jiraana ay marba marka ka danbaysa kasii darayaan, guud ahanba qaranka J. Somaliland waxa ka go’an in uu umada usoo celiyo wacyigalintii”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu Afhayeenku bulshada ku booriyay in ay u hogaan samaan fariimaha caafimadka ee wasaarada caafimadka Somaliland, isla markaana ay xidhaan afsaarka, kala fogaadan, soona celiyaan faro dhaqashadii.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.