Puntland oo Jawaab ka bixisay Qoraalkii Farmaajo, shaacisayna goobta ay dooneyso in lagu shiro

Madaxweyne Siciid Deni

Garoowe (Aftahannews)- Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixisay qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu shir isugu yeedhay madaxda maamul goboleedyada.

Puntland ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku tidhi “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Puntland ayaa taa beddelkeed sheegtay inay taageereyso dadaallada ay wadaan rai’iisal wasaaraha xilka sii haya iyo Midowga Musharaxiinta.

Madaxweyne Siciid Deni
Madaxweyne Siciid Deni

“Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaadhaya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar lagaga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Puntland waxay kale oo sheegtay inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. 

“Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadisho, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka.

Maamulka Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka Puntland.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.