Ilhaan Cumar: ” Waa in la ciqaabaa dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman”

Filed under: Wararka |

Washington (Aftahannews) – Iyadoo dhawaan warbixin ka soo baxday Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in dhaxal sugaha Amiirka dalka Boqortooyada Sacuudiga uu lahaa saxeexa dilka wariyihiin weynaa ee Jamaal Khaashuqi, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya cambaareynta arintaa la xidhiidha ee ka dhanka ah Amiirka.

Ilhaan Cumar oo ah mudane ka tirsan Aqalka Congress -ka  Mareykanka ayaa dalbatay Aqalka hoose in uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

ILHAN OMAR

ILHAN OMAR

Ilhan ayaa sheegtay, in ay Maxamed Bin Salman lagu ciqaabo, doorkii uu ku lahaa dilki qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, wariye Jamal Khashoggi, sannadki 2018-kii.

Ilhaan ayaa tidhi “Tani waa tijaabada bani’aadannimadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka”

Washington ayaa todobaadki hore cuna-qabateyn saartay in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma jirin Maxamed Bin Salamn.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login