Xirsi: “Faratoon hadduu is hubo oo uu tartamayo ha badheedho, Gaadiidka Dowladda ee uu ku ololaynayana ha wareejiyo..”

Hargeysa(aftahannews):- Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo isu sharraxay Golaha Wakiillada ku dhalliilay nidaamka uu ololaha aan la gaadhin wakhtigiisii uga wado deegaannada gobolka Sool.

Xirsi waxa uu ku eedeeyey Wasiir Faratoon in uu olele aan wakhtigiisii la gaadhin ka bilaabay gobolka Sool, isaga oo aan weli xilka bannaynin, isla markaana adeegsanaya Hantida Qaranka ee Gaadiidka Dowladdu ka midka yahay.

Waxa uu Hoggaamiyaha Waddani ku eedeeyey Xubno xilal ka haya dowladda oo musharrixiin ah oo gaadiidka dowladda, hantida dowladda iyo awoodda xafiisyada qaranka ee ay hayaan ku ololaynaya, isla markaana dadka ay dhex-marayaan u ballan-qaadaya inay shaqooyin siinayaan, qodobbadaasna uu reebayo Xeerka doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland, isla markaana ay maanta laga bilaabo la galay sagaashanka maalmood ee xeerku waajibiyey inay ka hor xilalka banneeyaan Musharrixiinta Hay’adaha kala duwan ee dowladda ka shaqeeyaa.

Hoggaamiye Xirsi oo hadal ka jeediyey Xaflad lagu qabtay Hargeysa, waxaannu isagoo arrimahaas ka hadlaya, warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

Hadalka Xirsi, ayaa ku soo beegmaya, iyaga oo Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland soo saaray war qoraal ah oo Musharrixiinta u taagan doorashada isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka oo u muddaysan 31-ka May 2021 ay laga bilaabo 02/03/2021 oo maanta ay banneeyaan xilalka kala duwan ee ay Hay’adaha Dowladda ka hayaan, haddii kale uu Xeerku reebayo musharraxnimadooda.

Komishanka doorashada oo Amray Musharrixiinta G. Deegaanka iyo Wakiillada ee Xilalka ka haya Dowladda

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.