Midawga Musharrixiinta oo Farmaajo ku eedeeyey inuu Xasaradaynayo Shir ay Rooble u Ballansan yihiin

MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2021
MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2021
Muqdisho(aftahannews):- Midawga Musharrixiinta Madaxweynennimada Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xilleedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo inuu fashilinayo wadahallada u socda iyaga iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2021
MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2021

Midawga Musharrixiinta oo War Qoraal ah soo saaray maanta, waxaanay ku doodeen inuu Farmaajo dabaylo ku furayo Shir Khamiista ay u ballansan yihiin Raysal-wasaare Rooble iyo Midawga Musharrixiinta oo markii labaad Isniintii shalay ku kulmay Muqdisho.

SHIRKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA IYO RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA 2021
SHIRKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA IYO RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA 2021

Waxay Midawga Musharrixiintu ka digeen cawaaqib-xumada ka dhalan karta in la fashiliyo shirkaas, iyagoo Raysal-wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada ugu baaqeen inaanay qeyb ka noqon tallaabooyinka Madaxwaynuhu ku dhaqaaqayo ee dhibaataynaya hannaanka shirkaas iyo natiijadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Midawga Musharrixiintu waxay sheegeen in bannaanbax ay ku baaqeen in laga sameeyo Muqdisho uu qabsoomayo uu Sabtida innagu soo fool leh ee toddobaadka dambe uu ka dhicidoona Taallada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho, waxaanay Shacabka ka dalbadeen inay ka soo qeybgalaan Bannaanbaxa oo taageeraan mowqifkooda oo ah inay muujiyaan siday u diiddan yihiinn wakhtiga Madaxweynaha oo ku dhammaaday 8-dii Febraayo 2021, kuna fadhiya heshiis la’aan iyo doorasho la’aan.
Haddaba, War-saxaafadeedka Qoraalka ah ee ay Salaasada Maanta soo saareen Golaha Midawga Musharrixiinta u taagan Madaxtinnimada federaalka Soomaaliya oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidan hoos ka muuqata ee ka bogasho habboon:-
MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2021
MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2021

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.