Itoobiya oo Gacanta ku dhigtay Hub, Rasaas iyo Raggii watay

Addis Ababa (Aftahannews)- Ciidamada Booliska ee ka howl-gala magaalada Addis Ababa ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan, rasaas iyo raggii watay.

Warbixin ka soo baxday Booliiska ayaa lagu sheegay in hubkan Addis Ababa lagu soo-geliyey gaadhi nooca loo yaqaano ah Isuzu, kaas oo ka yimid deegaanka Axmaarada.

Sidoo kale, saraakiisha Booliiska ayaa shaaciyey in hubkan loo soo ekeysiiyey agab caadi ah oo saarnaa gaadhiga, balse ay daba-gal ay ku sameeyeen sirdoonka dalkaasi.

Qoraalka kasoo baxay Booliska Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM), laba Isneypar, 38 Bistooladaha Waawayn, 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad.

Warbixinyta ayaa sidoo kale intaasi kusii dareysa in la qabtay laba nin oo la socday gaadhiga, islamarkaana ah kuwa hubka sida qarsoodiga ah kusoo geliyey Addis Ababa.

Itoobiya ayaa marar badan gacanta ku dhigtay hub si sharci darro ah lagu soo-geliyey dalkeeda, gaar ahaan magaalada Addis Ababa oo ay howl-gallo ka sameeyeen Booliska.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.