Laba Dhalinyaro ah oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Laba Dhalinyaro ee lagu Dilay Magaalada Muqdisho
Laba Dhalinyaro ee lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Labo dhalinyaro ah oo maanta rag hubeysan toogasho ku dileen gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada toogashada lagu dilay ayaa magacyadoo lagu kala sheegay Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay ka tirsanaayeen ciidanka nabadsugida kuwooda loo yaqaan dhar cadda.

Laba Dhalinyaro ee lagu Dilay Magaalada Muqdisho
Laba Dhalinyaro ee lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Dhalinyaradan ayaa lagu waramayaa in ay wateen xiliga la tooganayay Mooto nooca Fekonta, iyadoo ay goobta ka baxsadeen raggii toogashada geystay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha Amniga Soomaaliya gaar ahaan hay’adda Nabadsugida oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen labada dhalinyarada ah.

Toogashadan ayaa imaaneysa xili maanta laba Qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.