Taliska Milateriga Somaliland, muxuu ka yidhi in Ciidamo ka soo baxeen Fadhiisimadii Bariga?

Sool (Aftahannews) – Abaanduullaha koowaad ee Ciidammada Qaranka Somaliland uu weheliyo Taliyaha Ciidammada Qaranka ee Aagga Bari, Saraakiil Kale iyo Badhasaabka Gobolka Sool, ayaa Maanta booqasho ku tagay Fadhiisimada Ciidammada Qaranka ee Gobolka Sool.

Kormeerkan oo uu hoggaaminayey Abaanduulaha koowaad ee Ciidammada Qaranka Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Af-guduud), ayaa waxay ku soo mareen Fadhiisimada Ciidammada Qaranka ee Jiidda Tuke-raq, waxayna halkaa kula kulmeen Ciidammada Qaranka ee halkaasi ku sugan.

Weftiga Abaandulaha Ciidamadda Milateriga Somaliland ee gaadhay Tukaraq
Weftiga Abaandulaha Ciidamadda Milateriga Somaliland ee gaadhay Tukaraq

Abaanduule Afguduud iyo Taliyaha Aagga Bari ee Ciidammada Qaranka Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen, ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen, waxay hadallo u jeediyeen Ciidammada Qaranka ee ay Fadhiisimadooda ku booqdeen, waxayna ku ammaaneen doorka ay ugu jiraan Qaranka Somaliland, abaalka Shacab iyo Dawladba ay ugu hayaan Shaqada difaaca Qaranka ee ay hadh iyo habeenba heeganka ugu jiraan.

Saraakiisha booqday Fadhiisimada Ciidammada Qaranka, ayaa meesha ka saaray Warar shaki lagu geliyey Waajibaadka Ciidammada, kuwaasi oo lagu sheegay inay Ciidammadu sameeyeen gadood isla-markaana ay fadhiisamadooda bariga fog ka soo ruqaansadeen.

Taliyaha Ciidammada Qaranka ee Aagga bari Cali Barre Xuseen, ayaa isaguna sheegay in aanu jirin Askari keliya oo ka soo dhaqaaqay halkii loo qorsheeyay inuu kaga jiro difaaca Qaranka.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa oo Saraakiisha ku wehelinayey booqashada Ciidammada Qaranka ee Aagga Tuke-raq, ayaa sheegay in Horumarka uu gaadhay Gobolka Sool ay sabab u yihiin Ciidammada Qaranka oo si buuxda gacanta ugu haya Amniga Gobolka iyo ka guud ee Qaranka.

Warkaasi oo Faahfaahsan Halkan Hoose Ka Daawo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.