Wasiirro Xilalkoodii Ku Waayey Inay Jabiyeen Sharciga Kala Fogaanshaha Dadka Ee Covid_19

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jordan
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jordan

Jordan (Aftahannews) – Wasiirrada Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha gudaha ee dalka Jordan, ayaa xilka laga qaaday, ka dib markii ay jabiyeen Sharciga kala fogaanshaha dadka, si looga gaashaanto Xanuunka Covid_19.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jordan
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jordan

Warbaahinta The National oo Aftahannews soo xigtay, ayaa ku warantay in boqorka dalka Boqor Abdullah uu aqbalay Iscasilaad ay soo gudbiyeen labada Wasiir, ka dib markii Raysal-wasaaraha dalkaasi ku amray inay iscasilaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jordan Bassam Al Talhouni iyo Wasiirka Cadaaladda dalkaasi Samir Mubaidin, ayaa casilaadda lagu sameeyay ka hor, waxa lagu arkay iyagoo jabinaya sharciga kala fogaanshaha dadka, si looga feejignaado Xanuunka Covid_19 oo faro ba’an ku haya Jordan iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Cadaaladda Jordan, Bassam Talhouni

Mid ka mid Ehelada labada Wasiir, ayaa sheegay in labada Wasiir  Toddobaadkii hore lagu arkay iyagoo ku sugan Huteel ku yaalla Caasimadda Jordan ee Cammaan, xiligaana Dadka ku sugnaa huteelka oo ah nooca lagu cunteeyo midna ma xidhnayn Af-saab.

“Iyaguna waxa jiray Madax kale oo u dhaqmayey sida in aanu jirin Coronavirus oo kale..” ayuu The National u sheegay mid ka mid ah Ehelada mid ka mid ah Wasiirrada shaqada laga caydhiyey, kaasi oo aan doonayeyn in Magaciisa la sheego.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.