Sida lagu sheegay warka uu qoray wargayska New York Times, warbixinta ayaa lagu ogaaday in saraakiisha Ethiopia iyo dagaalyahannada maleeshiyada xulafada la ah ee ka soo jeeda gobolka deriska ah ee Amxaarada, kuwaasi oo usoo dagaal tagay gobolka Tigray si ay u taageeraan Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ay “si ula kac ah oo buuxda uga dhigayaan Galbeedka Tigray meel ay qowmiyad gaar ah degto iyagoo adeegsanaya awood abaabulan iyo cabsi gelin.”
Warbixinta ayaa sheegaysa in dadka qaar ay u qaxeen duurka ama ay si sharci daro ah ugu tallaabeen dhanka dalka Suudaan, halka qaar kalana la soo aruuriyay oo si qassab ah loogu raray goobo kale oo ka tirsan Tigray, sida uu qoray wargaysku.
Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in Mareykanku uu “aad uga walaacsan yahay warbixinnada la xidhiidha xadgudubyada iyo guud ahaan xaaladda ka sii dareysa ee Tigray.”
Colaadda hubaysan ee ka jirta Tigray ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof. Taasi ayaana keentay in boqolaal kun ay ka cararaan guryahooda. Gobolka oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa soo foodsaartay cunno yari, biyo iyo dawo la’aan.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.