“Aakhiro Ayaan Ka Soo Laabtay, Markaan 20 Sano Ku Maqnaa Ka dib..” Maxamed Sinjaale

Maxamed Gantiisa
Maxamed Gantiisa

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa shalay xasbi ku yaal magaalada Hargeysa laga sii daayay nin u dhashay Qowmiyadda Oromada ee waddanka Itoobiya, ka ddib 20 sano oo xabsiga uu ku jiray.

“Markii la i xihdayay waxaan jiray 21 sano, markaas baa iigu dambeysay magaalada”, ayuu u sheegay BBC Somali, Maxamed Muuse Gantisa.

Sannadkii 2001-dii, maxkamad ku taal Hargeysa waxa ay ku heshay inuu dilay nin kale oo Itoobiyaan ah, markaas oo ay maxkamaddu ku xukuntay 8 sanadood oo xadhig ah iyo inuu bixiyo magta ninka gacantiisa ku baxay.

Balse Maxamed ayaanay u suuragelin inuu helo lacagtii uu Mata isaga bixin lahaa, sidaas daraadeedna waxa uu xabsiga ku sii jiray 12 sano oo dheeraad ah.

Maxamed Gantiisa
Maxamed Gantiisa

Sannadkii 2019-kii ayay Maxamed Gantisa xabsiga isku barteen Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo isagana halkaa ku xidhnaa.

Wuxuu ka codsaday in kharashka Magta u soo uruuriyo. Coldoon ayaa arrintaas u istaagay, taa oo fududeysay in shalay si ramsi ah loo sii daayo ninka Oromada ah.

Waxaa laga bixiyay qeyb ka mid ah Magtii loo haystay oo gaadhaysa illaa $700 oo dollar.

“Qofkasta waan kaa bixinayaa ayuu ku odhanayaa (Magta) mana jirin qof iga bixiyay”, ayuu sheegay.

Maxamed Gantisa, wuxuu tilmaamay in reerkiisa ayna ka warhayn in uu xidhan yahay. “Waxay u haysteen in aan dhintay. Beri hore ayaa la i illaaway. Hadda wax xidhiidh ah lama lihi”, ayuu yidhi.

“Farxad ayaan dareemay markii la ii sheegay in la is siideynayo. Labadii bilood ee aan sugayay in la i sii daayo, hurdaba waan iska daayay farxad daraateed”.

Maxamed Gantisa ayaa la sii daayay ka dib markii kala badh Magtii laga bixiyay, badhka kalena laga cafiyay. Waxaa ka cafiyay niman qaraabo la ah ninkii uu Maxamed Gacntisa ku dilay ee xabsiga uu ku muteystay.

 

Xigasho: BBC