Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay Xalinta Khilaafka Doorashada

Soomaaliya iyo Beesha Caalamka
Soomaaliya iyo Beesha Caalamka

Muqdisho (Aftahannews) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa mar kale ka hadlay sii wadista dadaallada lagu xalinayo khilaafka doorashada ee u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida.

Kulanka oo ka dhacay aalada Internet ka Zoom -ka ayaa ayay sidoo kale beesha caalamku ku bogaadiyeen isfahamkii hor dhaca ahaa ee dhawaan dhaxmaray xukuumadda iyo midowga Musharixiinta.

Soomaaliya iyo Beesha Caalamka
Soomaaliya iyo Beesha Caalamka

Wakiiladda caalamka oo dhawaan kulan la yeeshay Rooble waxaana ay ka dalbadeen in uu qaato doorkiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali u muuqata in ay u maaro la’dahay sidii xal kama danbeys ah looga gaadhi lahaa arrimaha doorashooyinka kaddib markii ay si is daba joog ah u fashilmeen shirar hore oo laga yeeshay xalinta khilaafka doorashada oo uu ugu danbeeyay kii Dhuusa-Mareeb oo lagu kala tagay arinta gobolka Gedo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.