Baanka Dhexe Ee Somaliland Waxa uu Ka mid Yahay Hayadaha Ku Suntan Bilaa Waxqabadka

cabdiraxiim cabdilaahi Shiine
Baanka Dhexe Ee Somaliland Waxa uu Ka mid Yahay Hayadaha Ku Suntan Bilaa Waxqabadka

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Inkastoo xukuumada Madaxweyne Muu

cabdiraxiim cabdilaahi Shiine
Baanka Dhexe Ee Somaliland Waxa uu Ka mid Yahay Hayadaha Ku Suntan Bilaa Waxqabadka

se Biixi laga dayrinayay waxqabd la’aanta dul hoganaysa sannadkii ina dhaafey ee 2020 taas oo ay tahli wayday in bulshadii soo dooratay ay tusto wixii ay ku soo kordhisay dalka  sanadkii ina dhaafey iyadoo ay taasi jirto  haddana waxaa maalmahan baraha bulshada iyo qayb ka mid ah saxaafada dalka lagu baahiyay fiidiyow yar oo lagu sheegayo inuu yahay waxqabdkii 2020 iyo qorashaha 2021ee baanka dhexe Somaliland.
marka ugu horeysa ee aad furto fiidiyowgan waxaad arkaysaa in yahay mid aad looga soo shaqeeyay oo la doonayo in lagu marin habaabiyo bulshada maadama ay yihiin kuwo tabaya waxaqabdkii baanka dhexe oo in mudaba kusoo koobmay sarifkii baanu xadidnay iyo fariin baanu subixii shacabka u dirnaa.
xadida isku badalaka lacagaha doolarka iyo shilinku waa guul horta u baahan inlagu hambalyeeyo baanka dhexe lakiin waxay ahayd maadaama oo hoos loo dhigay sarifkii lacagaha in lala jaan qaadsiiyo sixirka meceeshadaha, tusaale ahaan rufaca bariiska ah markii uu dollarku qaaliga ah qiimihiisu waxa uu ahaa $7 oo udhigmaysay 70000slsh doolarkii markii hoos loo jabiyay waxay ahayd in quutal daruuriguna hoos ujabo lakiin taasi ma dhicin oo kor buu ukacay oo wuxuu noqday 75000slsh taas oo udhiganata ku dhawaad $9.
hoos udhiga doolarku waxay bulshadii danyarta ahayd ee lacagah doolarka ah ee kaalmada ahaa ka heli jiray dadkooda qurbaha ku maqan iyo kuwii dalka gudihiisa ku shaqaynaya lacagaha qalaad waxay sababtay inay hantidooda qasaaraan 25% madaama sarifkii lacagaha qalaad hoos loodhigay sixirkii ascaartuna wali halkiisii yahay eeda ugu weyna waxaa iska leh baanka dhexe iyo madaxdiisa oo isla jaanqaadsiin kari waayay hoosdhaca sarifka iyo qiimaha quutal daruuriga.
Run ahaantii waxaan aad ula yaabay intii aan daawanayay fiidiyowgan yare e marin habaabinta ah nin isku sheegayay inuu yahay Gudidida hormarinta baanka oo sheegay in intii ay shaqaynayeen ay soo kardhiyeen bilicda baanka taas oo aan ahayn shaqada haydan inay bilic iyo xarago ka shaqayso lakiin ay tahay inay baadho oo ay ilaaliso nolosha bulshada isla markaana ay gacan bir ah ku qabtaan ganacsatada dhiig miiratada ah ee bulshada dhiigooda ku nool.
Guddomiyaha baanka dhexe ee Jamuuriyada Somaliland  mudane Cali Ibraahim Jaamca (baqdaadi) waa nin isku darsaday shaqo iyo hawlkarnimo lakiin soomaalidu waxay tidhaahdaa far kaliyaati fool ma dhaqdo oo madaxdii loogu tala galay inay hawsha la qabtaan isla markaan la jaan qaadaan talaabooyinka cusub ee uu soo kordhinayo ayay shaqdoodiiba dhaafi la’adahay inay Madaxweyne muuse biixi face booga ka amaanaan ama ay u jawaabaan cidii wax ka sheegta xukuumadiisa .

WABILAAHI TAWAFIIQ

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine