Waddani oo Madaxwaynaha Somaliland ka codsaday in uu arrinta ciidanka hoos u eego oo guddi madaxbanaan u saaro cabashooyinkooda

Hargeysa (Aftahannews)- Af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Barkhad Jaamac Batuun oo warbaahinta la hadlay ayaa millateriga Somaliland ka codsaday in ay fadhiisimahooda ku sugnaadan, sidookalena madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu si dhakhso ah wax uga qabto cabshada uu ciidanku qabo.
Afhayeenka, ayaa sheegay in ciidanka millaterigu yahay lafdhabarta Somaliland  isla markaana duruufo kala duwan kusoo shaqaynayeen mudadii 30 ka sono ahayd ee ay Somaliland jirtay.

“Xisbi ahaan waxanu rumaysanahay ciidanka qaranka Somaliland in uu yahay cududa, shacabka iyo cidkasta oo Somaliland ku nooliba ay kaga gamado cadawga, waxay ilaaliyaan ciidan iyo calankan, waa dad duruufo adag 30 sanadood kusoo shaqaynayay, waa dad usoo samray dalkan iyo dadkan ba in ay nabadgalyo ku naaloodaan, waa dad runtii aan la dafiri karayn kaalin tooda amni. Sharaf iyo tixgalin ayaanu xisbi ahaan markasta u ahayna, balan qaadkii guddoomiyaha ee wakhtigii olloluhuna waa bartiisii, oo runtii guddoomiyaha yagu waa nin duruufta ciidanka dareemi karaya, waaa nin siduu isaguba sheegay aabihi askari ahaa, waa nin ciidanka jecel, waa nin markasta oo aanu safar baxno istaaga la sheekaysta, siyaasad ahaana waa goobaha uu doonayo in uu waxka qabto markuu madaxwayne noqdo, in guryo loo dhiso in mushaar kooda la kordhiyo, in noloshooda la kobciyo”. Ayuu yidhi afhayeenku.

Afhayeenka ayaa ciidanka millateriga ka codsaday in ay fadhiisimahooda ku sugnaadaan, isla markaana tabashooyinka ay qabaan hoos loo eegi doono.

“Waxanu si sharafle ciidanka uga codsanaynaa, in ay  xeryahooda dib ugu noqdaan, in tabashooyin koodana dib loo eegi doono, in aan dhagta cadawga Somaliland leedahay aan la maqashiin dhiilooyin dhexdeena ka jira, markaa ciidanka waxanu leenahay ciidanaw, abaal iyo ogaal baa laydinku hayaa kaalintiina abni ee dalka, fadlan bi fadlan waxanu idinka codsanaynaa in aad goobihiina ku noqotaan, wixi tabasho ah ee aad qabtaana hoos baa loo eegi.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenku.

Afhayeenka ayaa madaxwaynaha Somaliland ka codsaday in uu arrinta ciidanka hoos u eego isla markaana guddi madaxbanaan usaaro cabashooyinka uu ciidanku qabo.

“Xukuumada gaar ahaan madaxwaynaha waxa waajib ku aha in uu u dhuglahaado oo uu u dhag raariciyo dhiilada ciidanka laga soo sheegayo, aanu cid isaga ka hoosaysa aanu ku halayn marnaba, mudane madaxwayne dalku doorasho ayuu galayaa, waad ogtahay 30 kaa sanadood duruufaha ay ciidanku ku sugnaayeen, waad ogtahay gadoodka waxa ay hada ka samaynayaan wuxu yayahay, waxanu kaa codsanaynaa in aad guddi madaxbanan aad tabashada ciidanka u saarto, waxanu kaa codsanaynaa in ciidanku waxa ay tabanayaan aad hoos u eegto, waxanu doonaynaa dag dag arrinkaa in aad madaxwayne u dhamayso.” Ayuu yidhi afhayeenku

Afhayeenka ayaa sidookale warbaahinta iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in hoos loo dhigo arrimaha ciidanka oo aan la buun buunin si aanu cadawga Somaliland uga faa iidaysan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.