Qaramada Midoobay oo Cunaqabatayn saartay Hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab

Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Saddex Sarkaal oo ka tirsan Ururka Al-shabaab sida lagu sheegay bayaan Goluhu uu soo saaray 26kii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay.

Saraakiishan la sheegay in cunaqabateynta lagu soo rogay ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karataay, oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee ururka Al-shabaab.

Al-shabaab
Al-shabaab

Talaabadan Golaha amaanku uu xayiraadka ku saaray horjoogayaashan ka tirsan Al-shabaab ayaa imaneysa kaddib markii ay sidaa ka codsatay dowladda Soomaaliya, waxaana lagu diray Liiska kooxaha iyo xubnaha argagixisada.

Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka Amiirka Al-Shabaab, halka Macallin Ayman uu yahay aas aasaha guuto ka dagaalanta Kenya, sidoo kale Mahad Karataay ayaa kaalin weyn ku dhax leh dhaqdhaqaaqa kooxda, wuxuuna mar soo noqday ku xigeenka hoggaamiyaha kooxdaas, inkastoo mar dambe laga wareejiyey.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.