Siyaasi Buubaa: “Waxan aaminsanyahay in Soomaalidu aanay meel gaadhi karin hadii anay midoobin”

Ismaaciil Buubaa
Ismaaciil Buubaa

Hargeysa (Aftahannews) — Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaa sheegay in aanay dadka Soomaaliyeed kala tagi karin islamarkaana aanay kala maarmi karin hadii la doonayo nolol tan dhaanta.

Ismaaciil Buubaa, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in Soomaalidu aanay meel gaadhi karin hadii anay midoobin.

Ismaaciil Buubaa
Ismaaciil Buubaa

“Anigu waxan aaminsanahay, dadka Soomaaliyeed in anay kala tagi Karin, qoomiyadaha Geeska Afrika waxay ku soo ururaysaa in qoomiyad waliba wax wada qabsato, oo qoomiyaduhu dhexdooda heshiiyaan, oo ay khayraadka si wanagsan ula soo baxaan, sidaa darteed ama Somaliland joog ama Soomaaliya joog amba Itoobiya joog ama Jabuuti joog ama Kenya joog, Soomaalida maanta talaa hortaala, taso ah in hadii nolol tan dhaanta la doonayo, oo ay jiilasha soo socda uga shaqeeyaan, taasia waxay ku imanaysa umada Soomaaliyeed in ay wax wada qabsato”. Ayuu yidhi Buuba.

Siyaasi Buubaa ayaa dhinaca kale sheegay, in qolo walba maamul samaysan karto laakin ay tahay in lawada shaqeeyo oo aan lakala tagin.

“Maamuladu waa gooni, oo maamul waala samayn karaa meel ugaara, lakin danaha Geeska Afrika umada Soomaaliyeed waa mid aan kala go’aynin, oo Ilahay sidaa u a buuray, oo midna aanu mid la’aantii anay waxba u suuroobayn, anigu Hargaysan ku dhashay Awaaran ku koray Soomaaliduna waa wada sidasoo miidhan, kolkaa in aynu been isku sheegno maaha”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Buubaa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.