Mareykanka oo Cunaqabatayn ku soo rogay Mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga

Maxamed Bin Salmaan

Washington (Aftahannews)- Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay cunaqabateyn kusoo roogtay tiro kamid ah mas’uuliyiinta boqortooyada Sucuudiga kadib markii sirddoonka Mareykanka uu helay warbixin sheegeysa in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay dilkii weriyihii u dhashay Sacuudiga Jamaal Kaashuqji.

Cunaqabateynta waxaa kamid ah in lagu soo rogay xayiraad dhanka dal ku galka Mareykanka isla markaana la xanibayo hantida ka taalla halkaas.

Balse Mareykanka ma aanu shaacin wax tallaabo oo ka dhan ah dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Maxamed Bin Salmaan
Maxamed Bin Salmaan

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay dilka Jamaal ku eedeeyeen inuu ku yimid “howlgal damiirka ka fog” oo ay qaadeen koox sirdoon ah oo loo diray inay weriyaha dib ugu soo celiyaan boqortooyada, iyadoo maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay oo ay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof, kaddib markii markii hore ay dil ku xukuntay.

Khaashuqji ayaa sanadkii 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.