Dowladda Taiwan ku Dhawaaqday 2 Milyan oo Doolar oo ay kaga qayb qaadanayso Doorashooyinka Somaliland

Taipea (Aftahannews)- Dowladda Taiwan ayaa ku dhawaaqday lacag dhan Laba Milyan oo doolar oo ay kaga qayb qaadanayso doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanada ee Somaliland.

Sidaasna waxa maanta lagu daabacay Warsidaha East Africa Business Week oo ay soo xigatay Warbaahinta Aftahannews.

Dowladda Taiwan oo cilaaqaad saaxiibtinimo iyo mid iskaashi la leh Somaliland ayaa ugu talo gashay in lagu bixiyo lacagtaas dhinaca wacyigelinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo Dowladaha Hoose ee muddaysan inay ka qabsoomaan Somaliland 31ka bisha May ee sannadkan.

Warku wuxuu intaas ku daray in dowladaha Midowga Yurub iyo Ingiriisku ay iyaguna kaalin ka geysanayaan dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ka qabsoomaya Somaliland.

East Africa Bussiness Week, wuxuu xusay in wufuud ka socotay Ingiriiska, Sweden, Norway, Midowga Yurub iyo Qarammada Midoobay ay kulamo kala yeesheen arrimaha u diyaargarowga doorashooyinka Somaliland, Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kalena, waxa wufuuda ka socotay dalalka Somaliland ka taageera arrimaha Dimuqraadiyadu ay  kulamo gooni gooni ah la yeesheen xisbiyada Siyaasadda iyo Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.