Qoysas isku heystay Nin Ka Lumay Dagaalkii 77 oo uu Kala Saaray Sheybaadh Puntland yaallaa

Muddooyinkan waxaa taagneyd hadal-heyn ku saabsan labo qoys oo ku muransanaa nin ku lumay dagaalkii 1977-dii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin waxaa arrintaas soo afjaray khubarada baaritaanka dhacaanka hiddaha ee Puntland.

Natiijo kasoo baxday baadhitaan uu sameeyay Sheybaarka Puntalnd ayaa markii ugu horreysay hanaanka DNA ku kala saaray labada reer, waxaana la ogaaday cidda uu kasoo jeedo ninka lagu muransanaa oo da’diisu ay tahay 60 sano. Markii hore labada reer mid walba wuxuu ku dooday in uu iyaga ka dhashay ninka oo dhawaan la helay.

Cabdirashiid Maxamuud Shire, oo ah Agaasimaha Qaybta baaritaannada Hidda Sidaha iyo Arrimaha la xiriira ee sheybaadhka Puntland, ayaa BBC-da uga warramay dadaalka ay ku xalliyeen arrintan xasaasiga ah.

“Waxaa jira labo nooc oo unugyada jirka ah, oo kala ah kuwo ku saabsan taranka iyo kuwo howlo kale qaabilsan. Shaqadii maanta aan qabannay waxay ahayd shaqadii ugu horreysay ee dowladda ugu fulinnay baadhitaan ku saabsan dhinaca taranka ee dhacaanka DNA-da,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Waxa uu sheegay in qofka ay baadhitaankan ku sameeyeen uu yahay nin ay da’diisu gaartay “lixdan sano iyo xoogaa” oo labo reer ay isku heysteen cidda uu asal ahaan kasoo jeedo.

“Dadku waxay sheegeen in ninkan uu lumay, oo uu ku jiray dagaalladii 77, laakiin annagu arrimahaas waxba kama ogin. Xoogga waxaan saarnay baadhitaanka dhinaca seyniska, waxaana sameynay shaqadii loo baahnaa.”

Cabdirashiid waxa uu BBC-da u sheegay sida markii ugu horreysayba ay arrintan uga war heleen ee horseedday in ay shaqada baadhitaanka billaabaan.

“5-tii bishii August, 2020-kii, ayaan ciwaanka Twitter-ka ee ay hayaddu leedahay ku aragnay qoraal ku saabsan ninkan – oo la leeyahay ‘waayadaas buu dhumay, lama yaqaanno dadkiisii’ – waxaannu ka jawaabnay Twitter-kii, annagoo dhaheyna ‘waannu ka xun nahay dhibka ninkaas heysta’, laakiin waxaan u raacinnay in aan u sameyn karno tijaabada DNA si loogu xiriiriyo asal ahaan dadka uu kasoo jeedo.”

Cabdirashiid waxa uu intaas raaciyay in Garoowe ay tahay meesha kaliya ee Soomaaliya uu ka yaallo qalabka baadhitaanka DNA-ga.

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa sheybaarka ka socdsatay in labada qoys ee ninkaas isku haya la kala saaro.

Sidee loo baadhay ninka?

Maadaama ninkan ay da’diisu weyn tahay, lama helin waalidiintiisa oo ahaan lahaa cidda ugu horreysa ee laga baadho dhecaanka, laakiin waxaa jiray fursado kale oo wali la heli karay.

Agaasime Cabdirashiid ayaa sheegay in maadaama dhacaanka DNA-ga uu u kala baxo mid ragga ah iyo dumarka ah ay heleen dad ay labo nin oo mid waliba uu sheeganayay in uu yahay ninka la isku heystay walaalkiis.

“Maadaama hormoonnadiisa ay yihiin Y waxaan ka heli karnaa qof walba oo lab ah. Taas marka waxay noo faa’iideysay inaan ku xiriirin karno walaalkiis, aabihiis, adeerkiis, ina-adeerkiis iyo qof walba oo la xiriira dhinaca aabaha. Waxaannu baarnay labo nin oo ku doodayay in ay walaalkiis yihiin, marka sidaas ayaan labadiiba dhacaan uga qaadnay, waxaana awood u yeelannay inaan kala saarno meesha uu ka yimid.

Sheybaarka Puntland ayaa horay baadhitaan hidda-sidaha DNA ah ugu sameeyay kiiskii kufsiga ee Caa’isha Ilyaas, falkaas oo markii dambe loo dilay eedeysaneyaasha lagu helay

 Xigasho bbcsomali.com.