Maxamuud Xaashi oo Muddo ka Dib Dudmadiisii lagu Dhex-arkay Xisbiga Kulmiye, Hadalna Ka Jeediyey

Burco(aftahannews):- Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay Xaflad uu Xisbiga Kulmiye leeyahay lagu dhex arkay, ka dib markii uu ka biyo-diiday habkii loo diyaariyey Shirweynihii 4-aad ee golaha dhexe ee Xisbigaas oo Hargeysa ka qabsoomay 4 illaa 6-dii Aktoober 2020-kii.

Maxamed Xaashi oo wakhtigaas dhawr jeer jeediyey Khudbado garnaqsi, sixid iyo dhalliil ah oo uu u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ah Guddoomiyaha Kulmiye, isla markaana dib loogu doortay Shirkii 4aad ee golaha dhexe oo aanu ka qaybgelin Maxamuud Xaashi, ka dib markii ay u muuqatay inaanay suuragal u ahayn inuu isu sharraxo Xilka Guddoomiyaha Kulmiye oo uu muddo isu diyaarinayey, Madaxweyne Biixina uga tanaasuli waayey.

Hase-yeeshee, Maxamuud Xaashi Khamiistii maanta, ayaa lagu dhex-arkay Munaasibad Xisbiga Kulmiye ku qaabbilay Musharrixiin u taagan doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo lagu qabtay magaalada Burco, taas oo Mr. Xaashi hadal uu ka jeediyey ku sheegay inuu weli ka tirsan yahay Kulmiye oo aanu ka tegin, balse dareenkiisii, doodistiisii iyo dudmadiisii dad badani u qaateen inuu ka tegay Kulmiye.

Haddaba, hadalka Maxamuud Xaashi ka jeediyey Burco Maanta, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.