Cabdiweli Gaas oo Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday uga Digay Is-hortaagga Bannaanbaxyada

Cabdiweli Gaas oo Madaxweynaha Wakhtigiisu Dhammaaday ee Farmaajo u Digay 2021
Cabdiweli Gaas oo Madaxweynaha Wakhtigiisu Dhammaaday ee Farmaajo u Digay 2021

USA(Aftahannews):- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo qabtay xilalka kala ah Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Puntland, ayaa soo dhaweeyey Bannaanbaxa ay ku baaqeen Midawga Musharrixiinta Madaxtinnimada Soomaaliya u taagani in Muqdisho laga sameeyo 26-ka Febraayo 2021-ka oo ku beegan Jimcaha Berri, kaas oo ay Dowladda wakhtigeedu dhammaadayna sheegtay inaan la samayn karin.

Cabdiweli Gaas oo Madaxweynaha Wakhtigiisu Dhammaaday ee Farmaajo u Digay 2021
Cabdiweli Gaas oo Madaxweynaha Wakhtigiisu Dhammaaday ee Farmaajo u Digay 2021

Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo wakhtigan ku sugan dalka Maraykanka oo uu deggan yahay, ayaa wareysi siiyey TV-ga Universal, waxaanu sheegay in marnaba dowladdu aanay joojin karin muddaharaadka nabadgelyada ah, iyadoo cudur-daar ka dhiganaysa in xanuunka Covid-19 oo soo laba kacleeyey awgii aan la isu soo bixi karin.

Dowladda Soomaaliya ee wakhtigeedu dhammaaday, ayaa Jimcihii toddobaadkii hore ee 19-kii bishan Ciidammo u adeegsatay isu soo baxyada Muqdisho, iyada oo ay Rasaas nool kala hortegeen Bannaanbax ay horsocdeen Musharrixiinita u taagan Madaxweynennimada Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas oo ka hadlaya hor-istaagga bannaanbaxyada ee ay dowladda wakhtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya waddo, waxa uu yidhi; “Bannaanbaxu waa qeyb kamid ah dimuqraadiyadda, musharrixiintuna xaq ayay u leeyihiin in ay aragtidooda muujiyaan, Waxaan qabaa in laga hor yimaado in dadka xoriyadooda la caburiyo oo dib loogu celiyo digtaatooriyadii lagasoo gudbay.”

Md. Gaas, ayaa sheegay in la samayn karo Bannaanbax iyadoo dhinaca kale laga taxaddirayo faafitaanka cudurka Covid-19, isla markaana haddii ay dowladdu diiddo isu soobaxyada Bulshada inay dhibaato ka dhaxli doonto, waxaanu yidhi; “Dadka Soomaaliyeed in ay xoriyad u hadlaan dhiig badan ayaa u soo daatay. 20 sano in ka badan ayay dadku ku hoos jireen dulmi iyo xoriyad la’aan. Maanta haddii la isku dayo in dib loogu celiyo, waan kasoo horjeednaa.”

Inkasta oo ay Xubnaha Midawga Musharrixiinta madaxtinnimada Soomaaliya iyo Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, maanta Shir uga furmay Muqdisho, haddana weli xal laga soo saaray ma jiro, waxaanu Shirkaas iyo Hadalka Gaasba imanayaan iyadoo Jimcaha Berri ay ballan-qaadeen Midawga Musharrixiintu Bannaan-bax laga sameeynayo Muqdisho, kaas oo ka dhan ah doorasho la’aanta iyo wakhtiga Madaxweyne Farmaajo eek u dhammaaday 8-dii bishan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.