“Saldhigga Qudhac-dheer waa Xarunta Dulmiga!” Maxamed Dhame

MAXAMED SIDIIQ DHAMME
MAXAMED SIDIIQ DHAMME
“Waxaan usoo joogay” Horraantii bishii labaad ee sannadkii 2020 waxa aanu kala kulannay dhacdo na yaab gelisay, waxay ahayd aroor hore waxa i wehelinaayay Nuuradiin Diini iyo Xogahayaha warfaafinta ee Xisbiga UCID Yusuf Kayse Guuxaa , waxa aanu u soconnay nin maxbuusa oo laga soo xidhay Degmada Laas-geel, laguna soo qafaashay sifo sharci darro ah, iyadoo xorriyadiisa lagaga qaaday sifo sharci ah.
MAXAMED SIDIIQ DHAMME
MAXAMED SIDIIQ DHAMME
Maxbuuska waxay ehel dhaw ahaayeen Nuuradiin oo aanu soo raacnay labadayada nin ee kale, ujeedkaygu wuxuu ahaa in aanu xal u helno oo aanu kiiska si dhaw ula soconno madaama eedda loo haysta maxbuusku ahayd mid siyaasadaysan oo cabudhin ah, waxa naga cag horreeyay Nuuradiin oo naga hor galay gudaha Saldhiga qudhac-dheer Maxaa dhacay? #Hayaannews.net
Waxa weydiiyay jaad baad ah inankii hayay furaha qolka maxbuuska ee ku qorraa gaadhka, waxa uu ku yidhi Jabbane ii qaad aan kuuso daayo maxabuuskee, wuu diiday Nuuradiin waxaanu ku yidhi “ kuu qaadimaayo waxaad gudanaysaa waajibkaagii xaq ayaan u leeyahay in aan maxabuuska bookhdo oo aan soo eego waxaanu nahay ehel sabab aan Jaad kuugu qaadaa ma jirto” aad ayuu u cadhooday Askarigii waxaanu ka soo saaray saldhiga Nuuradiin oo noogu yimi kadinka anniga iyo Yuusuf. wuxuu sameeyay Nuradiin xilkasnimo weyn waxaan sameeyay dulqaad caydaa iyo cagajuglayntaana kamuu falcelin.
Waxa aanu usoo raacay gudihii Yuusuf waanu ka cag horraynay, waxa aanu la kulannay Askarigii oo jooga barxadda labadaydiiba, waxaan ka codsaday in maxabuuska naloo sii daayo oo aanu soo eegno, si cad ayuu nooga hor istaagay isaga oo caytamaaya, waxaan weydiiyay sababta, namuu wancin ee baxa ayu na yidhi. waxaan u sheegay xaqa maxbuuska in ay ka mid tahay in ehelku soo booqdo, aadbu noogu qayliy oo na yidhi baxa inta uu qora garabka kala soo degay.
Waxa uu qorigii ku qabtay laba jeer oo u cabbaystay Nuuradiin isaga oo caytamaaya oo waalidkii caayay, ladqabaan is idhi gal. mayse suuragelin madaama aad uu u kacsanaa Askarigu waxaana qasab nagu noqotay in aanu ka baxno saldhiga madaama aanu ka fekernay in xaalku afka dhaafi karo oo xabbad gaadhay askariguna cay iyo hanjabaad is raacshay.
Waxa gudaha jooga saddex Askari waanu marag gashannay, aad ayay ula yaabeen ninkaa, midbaase na yidhi “ Askarigu wuu qaadiraysan yahay oo waxa laga soo bedelay xeeb, waxa uu weydiiyay Jabbane ee maxuu isla macaaneeyay inanku muu siiyo indhaha haku kala furee waa iska caadi jaadku ye” waxa aanu ku nidhi xaq nooguma laha laaluush iyo in waajibkiisa uu weydaarsado lacag siinna mayno!
Annagoo weli taagan saldhiga baraxadiisa oo yaab amakaagsan ayuu nasoo hormaray gaadhi seerafa oo uu wato Taliyihii saldhiga, waanu faraxnay oo ku irkadaanu is nidhi una sheega waxa dhacay, wuxuu ahaa nin isla weyn markii aanu la hadlay isaga oo aan joojin gaadhiga ayuu si jees jeesa oo qosol ku jiro noo qaabilay namuu dhagaysan dhibna umuu arag qoriga naloo cabbaystay, qaadka nala weydiiyay iyo maxbuuska naloo diiday ee nalaga hor istaagay.
Dub ayaanu uga joogsanay annaga oo yaabban meesha dhaqan ka yaal, Askarta aan lahayn xurmada ee aan garanayn masuuliyadda dadka ay u adeegayaan, waxa dhacdada ka qoray qoraal wariye Cabdiweli oo ka tirsan bahda wargeska saxansaxo oo goobta nala jooga arkaayayna sida wax u dhaceen, waxa uu ku faafay baraha bulshada. Taliye Dabagale ayaa la soo xidhiidhay waaxda ciidanka Bilayska ee bariga Hargaysa waxaanu ku amray in la baadho kiiska oo naloo yeedho si qaladka loo ogaado.
Yuusuf Kayse ayuu la soo xidhiidhay Cabdi-Kiin oo ah Taliye xigeenka bariga Hargaysa ee Bilayska, waxaanu u sheegay in dacwado noo taal, subixii ayaanu u tagnay waxa nalaga qoray qoraal waxaanu si siman u sheegnay dhacdadi nala kulantay iyo sida naloogu qaldamay. Taliyaha waxa ujeedkiisu ahaa in warkaasi been yahay oo nala xidhi, waxase kaga soo baxday saldhiga dhacdadii dhabta ahayd in qaladka ay lahaayeen Askartiisa saldhiga qudhac-dheer.
Baadhidii oo jiitantay dub naloolama soo xidhiidhin kiiskiina wuxuu ku dhamaaday afkoo juuqda gabay bilayskii ninkii lama anshax marin ma aqaan in uu yahay ninka Hoodo Garays jidh dilay iyo ka aadka looga cabanaayo, waxaanse marag ka ahay in ciidankeennu ay ku jirto ruuxdii kacanaaka ee ahayd sidaad doonto yeel yaa ku xisaabinaya.
Waxa waajib ah in la helo maxakamad aan ahayn ta ciidanka oo shacab oo looga dacwoodo askariga basarka xun ee ku xadgudba ummadda. Waxaan ka xumahay gabood falka Hoodo ku dhacay ee jidh dilka ah, xadhiga sharci darrada ah iyo sida aan looga garaabin, waxaan ku baaqayaa in dhaqan celin,dub u habayn iyo anshaxa shaqo la baro Booliska Somaliland.
Mohamed Sidiiq Dhamme
Hargeysa/Somaliland.