Raysal-wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka Maxay kaga Wadahadleen Muqdisho?

RAYSAL-WASAARE ROOBLE IYO WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA OO MUQDISHO KU KULMAY 2021
RAYSAL-WASAARE ROOBLE IYO WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA OO MUQDISHO KU KULMAY 2021

Muqdisho(aftahannews):- Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Wakiillo ka kala socday Beesha Caalamka, oo maalmihii u danbeeyay ku howlanaa xal u helidda khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ka taagan, ayaa maanta kulan ku yeeshay Madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho.

RAYSAL-WASAARE ROOBLE IYO WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA OO MUQDISHO KU KULMAY 2021
RAYSAL-WASAARE ROOBLE IYO WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA OO MUQDISHO KU KULMAY 2021

Ra’iisul-wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha caalamka, ayaa isla soo qaaday sida loo fududeyn karo doorashada, dhinaca kalana loo soo afjari lahaa khilaafka mudaba soo jiitamayay ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada.

Warar laga helayo kulankaas, ayaa sheegaya in Ra’iisal-wasaaruhu u sheegay Wakiillada Beesha caalamka in mar walba Xukuumaddu diyaar u tahay qabashada doorasho ku dhacda qaab laysla oggol yahay iyo waliba in ay la hadlaan dhinacyada kale ee ka aragtida duwan.

Ergooyinka Beesha caalamka, ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa dedaallo xooggan oo lagu xallinayo khilaafka doorashooyinka, iyaga oo culeys saarayay Madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada Soomaaliya.

Hase-yeeshee, illaa hadda waxa muuqata in Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Deni iyo Axmed Madoobe ka biyo-diidsan yihiin ka qeybgalka Shir Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Mr. Farmaajo ku baaqay oo qorshuhu yahay in lagu qabto Muqdisho, waxaanay Puntland iyo Jubaland ka qaybgalkooda shirkaas ku xidheen Shuruudo kala duwan.

Puntland, ayaa war ay xalay soo saartay ku sheegtay inay shirkaas ka qaybgalayso marka la fuliyo 8 shuruudood oo ay ka mid yihiin in Beesha caalamku goob-joog ka ahaato, in Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday la tirtiro wixii uu saxeexay 8-dii bishan Febraayo oo muddo-xileedkiisu ku dhammaaday, in xilka laga qaado Taliyeyaasha Millateriga, Booliska iyo Nabad-sugidda federaalka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.