Ururka SOLJA oo Ku Baaqay in Si Caddaalad ah loo Baadho Kiiska Weriye Hoodo Garays

Hargeysa(Aftahannews):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ku baaqay in baadhitaan madax-bannaan, Caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dheehan tahay lagu sameeyo Kiiska Weriye Hoodo Garays.
Weriye Hoodo Garays oo ka hawlgasha Horyaal24 TV, ayaa iyada iyo Hooyadeed 19-kii bishan oo ku beegnayd Jimcihii inna dhaafay ay Lix Askari oo Booliska Somaliland ka tirsan, isla markaana ka hawlgala Saldhigga Booliska Xaafadda Qudhac-dheer oo ka tirsan degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa dhaawacyo gaadhsiiyeen, isla markaana xidheen.
War-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray Ururka Solja, isla markaana uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Ururkaas Sakariye Axmed Muxumed oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-
“Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo u taagan ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta waxa uu ka digayaa in saxafiyiinta lagula kaco talaabo kasta oo u ekaanaysa inay baal marsan tahay shuruucda dalka ee xorriyaadka siinaya Saxfiyiinta; si la siman muwaadiniinta kale ee Somaliland.
Sidaa daradeed, Ururka Saxafiyiinta Somaliland waxa uu ku baaqayaa in arinka Wariye Hoodo Garays oo cabasho ka muujisay sida loogula dhaqmay Saldhiga Qudhac-dheer ay hay’adaha sharciga ee arintaasi khusaysaa ay u baadhaan si ay madaxbanaani iyo cadaaladi ku dheehan tahay si loo ogaado saxnimada dhacdadaasi.
Waxaan ku baaqaynaa in la ixtiraamo xaqa iyo xuquuqaha dastuurka Somaliland u damaanad qaaday Saxafiyiinta.” sidaa ayuu Warkiisan qoraalka ah ku yidhi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakriye Axmed Muxumed.
Hoodo Garays iyo Hooyadeed, ayaa iyaga oo nabarro qaba la xidhay, waxaana loo diiday Hooyadeed oo xanuunsanaysa in wax dawo ah loo geeyo. Inkastoo markii dambe la soo daayey, iyadoo Weriye Hoodo sheegtay in la sii daayey Sabtidii markii si qasab ah ay ku saxeexeen Warqad lagu muujinayo inay iyagu Askarta weerareen, isla markaana Askartu Dhibbanayaal u yihiin iyada iyo Hooyadeed.
Hase-yeeshee, waxaanu Afhayeenka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo xalay hadlay ku dooday inay iyagu Hoodo iyo Hooyadeed dembiileyaal yihiin oo ay Askar Booliska ka tirsan dhaawacyo gaadhsiiyeen, dagaalkana ku horreeyeen, waxaanu inkiray nabarrada iyo dhaawacyada Warbaahinta loo soo bandhigay ee ka muuqda Hoodo Garays iyo Hooyadeed.
https://youtu.be/JO1y5ZY2U1s
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.