Sayid Mire oo Madaxweyne Biixi iyo Taliye Daba-gale ugu Baaqay in Cadaaladda la Mariyo Askarta Jidh-dilay Hoodo & Hooyadeed

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha Horyaal 24 TV Maxamed Cismaan Mire (Sayid), ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo Taliyaha Booliska ugu Baaqay inay Cadaalad helaan Weriye Hoodo Garays iyo Hooyadeed Suleekha Cabdillaahi oo Askar Ka Tirsan Boolisku si arxan-darro ah u garaaceen, isla markaana dhaawacyo muuqda iyo kuwo qarsoonba gaadhsiiyeen, xadhigna ugu dareen.

Guddoomiye Sayid, waxa uu Madaxweynaha iyo Taliyaha Booliska Somaliland ugu Baaqay in loo baahan yahay in Sharcigu sarreeyo, isla markaana cadaaladda la horkeeno Askarta Booliska ka tirsan ee dhibaatooyinka iyo tacaddiyada badheedhka ah u geystay Suxufi Hoodo Garays iyo Hooyadeed, isaga oo xusay in dhaawaca loo geystay Hooyada dhashay Hoodo ay aad u culus yihiin, siday baadhitaankooda ku caddeeyeen Dhakhaatiirtu.

Haddaba, Sayid Mire oo ka hadlaya waxa uu arkay markii ay Saldhigga Booliska ee Xaafadda Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa oo Weriye Hoodo iyo Hooyadeed Jid-dilka iyo xadhigga ay Lix Askari oo Booliska ka tirsani ugu geysteen, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.