Madaxda UCID oo Ka Hadlay Jidh-dil Booliska Somaliland u geysteen Weriye Hoodo Garays & Hooyadeed

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Cambaareeyey Jid-dil iyo, Xadhig iyo Tacaddiyo ay Askar Ciidammo Booliska Somaliland ka tirsani ugu geysteen Hargeysa Weriye Hoodo Garays oo ka hawlgasha Horyaal 24 TV iyo Hooyadeed oo ay wada socdeen.

Weriye Hoodo Garays iyo Hooyadeed galenkii dambe ee maalintii Jimcaha ee 19-kii bishan Febraayo, ayey si arxan-darro ah u garaaceen, jidh-dil iyo tacaddiyo badheedh ahna ugu geysteen Lix Askari oo Booliska Somaliland ka tirsan, kana hawlgala Saldhigga Booliska Xaafadda Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo dhaawacyo gaadhsiiyey, isla markaana xidhay, warqado sharci-darro ah oo ay ku qasbeenna ka saxeexay, kuwaas oo ay ku qoreen inay Gabadha iyo Hooyadeed iyagu Askarta dhibaato gaadhsiiyeen oo Askarti dhibbanayaal u yihiin iyaga.

Haddaba, Masuuliyiinta kala ah Xoghayaha Warfaafinta UCID, Xoghayaha arrimaha gudaha UCID iyo Shucayb Maxamed Muuse oo ka tirsan Xisbigaas, ayaa Shir Jaraa’id oo ay Isniintii maanta ku qabteen Xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa, waxay ugu Baaqeen Madaxweynaha, Taliska Booliska iyo Hay’adaha Dowladda ee ay khusayso, in Cadaaladda la horkeeno Lixda Askari ee Jid-dilka u geystay Hoodo Garays iyo Hooyadeed.

Haddaba, Masuuliyiintaas ka tirsan Xisbiga UCID oo ka hadlaya dhibaatada Weriye Hoodo iyo Hooyadeed loo geystay, waxaannu Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.