Madaxtooyada Soomaaliya oo war ka soo saartay shirkii maanta u furmay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Wakiiladda Beesha Caalamka

Madaxda Dowladda Fedaraalka, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Madaxda Dowladda Fedaraalka, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ka soo saartay shirkii maanta u furmay madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ay goobjoog ka ahayeen Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaana kulanka lagaga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulanka maanta oo hordhac u ah shirka wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta iyo talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxda Dowladda Fedaraalka, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Madaxda Dowladda Fedaraalka, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya in shirka diiradda lagu saaray xal u helida caqabadaha ku hor gudboon fulinta heshiiskii 17-kii Septembar, waxaana la isku raacay talo soo jeedintii guddiga in ay soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aadanaa dhaqan galinta heshiiskii doorashada Soomaaliya.

Shirkan hordhaca ah ee maanta uu shir guddoomiyay madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imanaya xili ayna qeyb ka aheyn maamulada Jubbaland iyo Puntland xili Jubbaland ay sharuudo adag ku xidhay ka qeybgalkeeda shirkan uu hore u iclaamiyay madaxweyne Farmaajo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.