Ciidamadda Booliska Somaliland oo Jidhdil u gaystay Gabadh Saxafiyad ah iyo Hooyadeed

Hargeysa (Aftahannews)- Hoodo Gareys oo ah saxafiyad ka howl gasha muuq baahiyaha Horyaal, ayaa sheegtay, in ciidamada booliska Somaliland ay u gaysteen jidh dil iyada iyo hooyadeed, xili ay doonayeen in ay warqad dhaawac muujin ah gabadh dhaawaca uga soo qaadan saldhiga booliska ee xaafada Qudhac dheer ee magalada Hargaysa maalintii Jimcaha ee 19 kii bishan Febraayo.

Hoodo ayaa sheegtay in markii ay saldhiga booliska ee xafada Qudhac dheer soo gaadheen, ay askartii saldhiga joogtay u sheegeen in gaadhiga ay wateen ka qaadan meeshi markaa ay dhigeen oo ay meel kale dhigaan, ayna ka aqbashay oo ay gaadhigi meeshi ka qaaday lakin ay ciidamadu ku bilaabeen, handadaad isla markaana jidh dil iyo xabsi iskugu dareen.

“Waxaa nagu dhacday arin runtii aad u cajiiba oo runtii aanu kala kulanay, ciidamada booliska Somaliland khaasatan kuwa saldhiga Qudhacdheer, maalintii jimcihii, ayaa aniga oo inan dhaawaca sida oo uraba dhaawac muujin, ayay askartii gaadh ku igu yidhaahdeen gaadhiga meesha ka qaad, halkii horeen dhigay baan ka qaado halkay igu yidhaahdeen dhig baan dhigay, mid ciidanka ka mida ayaa igu soo dhaqaqay, markaasu igu yidhi waad kibirsantahay taadan yari waan ku aqaana yoo, kadibna waxan ku idhi waar waa maxay kibirku ma malcaamad baa la iigu kaa keenay sow maad odhan gaadhiga halkaa dhig, dee gardaro cadaana, markasu igu yidhi miyanan ku odhan ha istaagin, ana waxan ku idhi waar walaal qof dhaawacaan siday, waad edeb darantahay ayuu igu yidhi, ana waxan ku idhi waar ha i caayin adiga edeb darane, kadibna xijaab kii ayuu isoo qabtay, ana waxan ku idhi waar naga qaad faraha, kadibna gabadh askariyada iyo isagii baa iwada qabtay, laba askari oo kalena way noo yimaadeen kadibna saddex askari iyo gabadhii, ayaa idilay,” ayay tidhi saxafi Hoodo Gareys.

Saxafiyad Hoodo Gareys
Saxafiyad Hoodo Gareys

Saxafiyada ayaa intaa sii raacisay in ciidamada boolisku ay sidookale jidhdil u gaysteen hooyadeed oo la socotay.

“Hooyo oo gaadhiga igaga danbaysay ayaa soo dagtay, kadibna waxay tidhi waar inanta sideed leedihiin miyaad dilaysaan, kadibna iyadiina waa laygu soo daray, kadibna saddex askari oo kale ayaa hortayda ku dilay, waliba hooyaday way xanuunsanaysay oo lix habeen kahor baanu dhakhtar ka keenay, halkii baa nalagu laayay waliba inta dhulka nala jiiday, ayaa saldhigii nala galiyay, gudaha markii nala galiyay ayaa nala garaacay, taliyaha saldhigu wuu maqnaa, inta xijaabadii nalaga dhigay oo timaha nala qabtay ayaa gudaha nala galiyay, markaa taliye ku xigeenkii oo joogay ayaa laha waar ka daaya, markii danbana feedh jilib ayaa nalagu garaacay, gacan ciidan ayaa na martay, intaa waxa noo dheerayd in hoodayday madaxa gidaarka loola dhacay, oo ilaa imikana nabaradii ku yaalan, imika waxa lageeyay dhakhtarka Alxayaat, si loo eego dhibatada gaadhay”. Ayay hadal keeda sii raacisay, Saxafiyad Hoodo Gareys.

Hoodo Gareys ayaa sheegtay in ay isku dayday in ay la hadasho taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland, kaasi oo ay cadalad bidaysay laakin loo sheegay in uu Jabuuti ku maqanyahay.

Sido kalena waxay sheegtay in madaxda ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ay soo booqdeen, isla markaana ay arkeen waxa ay boolisku u gaysten iyada iyo hooyadeed.

Booliska iyo xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada midkoodna ka hadal dhacdadan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.